Wafdi ka socda IGAD oo maanta tagaya magaalada Baladweyne

0
84

Baladweyne (SONNA)-Sida masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan,ay SONNA u xaqiijiyeen waxaa la filayaa in maanta magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay gaaraan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD, kuwaas oo saacadaha soo aadan tagaya magaalada.

Ujeeda wafdiga ayaa la sheegay in ay tahay in la kulmaan odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne oo ay kala hadli doonaan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe .

Maxamed Ibraahim Cabdulaahi Kusimaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa SONNA u sheegay in wafdiga isla maanta ay gaarayaan magaalada Baladweyne, islamarkaana ay la kulmayaan bulshada gobolka Hiiraan oo ay ugu horeeyaan waxgaradka ree Hiiraan.

Waxa uu sheegay in labada dhinac la filayo in ay kawada hadlaan hanaanka ugu fudud ee lagu dhisi karo maamulka labada gobal ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here