Wafdi Ka Socda Midowga Afrika Oo Gaarey Muqdisho.

0
99

Muqdisho (RKGS) Wafdi ka socda xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa  ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada  Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa la sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan diyaar garowga doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya bilaha August iyo September ee  sanadkaan  2016.

Guddigaan oo ka kooban 4 xubnood ayaa waxay la kulmeen qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaliya.

Inta ay joogan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan qaabka diyaar garowga doorashada iyo meelaha ay u baahantahay dowladda Soomaaliya in laga taageero xiliga doorashada.

” Waxaan Halkaan u nimid inaan qiimeyno sida uu u socdo howlgalka ciidanka AMISOM ,qaabka ay uu u socoto diyaar garowga doorashada sanadkaan 2016 ,waxyaabaha ay Soomaaliya u baahantahay in laga taageero inta lagu gudajiro doorashada,in ay la xoojiyo howlgalka AMISOM ” Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha guddiga Mr Olabisi Dare.

Wafdigaan ayaa sidoo kale waxa ay la kulmeen madaxda ka tirsan howgalka Midwga Afrika ee Soomaaliya sida wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira iyo sidoo kale ku xigeenkiisa  General Nakibus Lakara.

” Muhiimada ugu weyn waxa ay tahay in la xaqiijiyo amniga guud ee Soomaaliya inta ay socoto doorashada iyo sidoo kale xurumaha ay ka dhacayso doorashada ,marka ogaada arintaas ayaa ugu weyn inaan qeyb qaadano oo aan qiimeyn ku sameyno ” markale waxaa sidaas yiri gudoomiyaha Wafdiga ka socda Midowga Afrika ee ee soo gaaray Muqdisho.

Wafdigan ayaa sidoo kale la sheegay in ay la kulmeen Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya maxamed Cumar Carte.

Sanadkaan gudahiisa ayaa lagu wadaa in  Soomaaliya  ay gasho isbedal cusub,waxaana dalka lagu wadaa in bilaha August iyo September ee  sanadkaan  2016 ay ka dhacdo doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here