Daawo Sawiro:Madaxweyne Shariif Xasan iyo Madaxa UNCHR oo Maanta ka Wada-hadlay Xaaladda Qaxootiga KGS

0
100

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo qaar ka mid ah gollahiisa wasiiradda, ayaa Madaxtooyada KGS ee Baydhabo Maanta kula kulmay Madaxa Hay’adda u Qaabilsan Qaramada Midoobay Qaxootiga ee UNHCR, Mr Filippo Grandi , Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo madaxa UNHCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Ku nool Degaanada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Kenya, qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya jooga , xaaladda Barakaca-yaasha iyo tahriibka.

Wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugala hadlay Wafdiga UNHCR iyo DFS Qaabka ugu habboon ee Dib Waddanka loogu soo celinayo Qaxootiga Ka soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku jira xeryaha Dhadhaab Iyo Sidii Gargaar looga gaarsin lahaa Dadka Ku tabaaleysan Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan u mahad-celinayaa Laanta QM ee Qaxootiga ee UNHCR Shaqada Wanaagsan ee Dhinaca Taakuleynta Qoxootiga Soomaaliyeed. Waxaan UNHCR iyo Beesha Caalamka ka Codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan dib u dajinta iyo soo celinta Qoxootiga ku nool Waddamada dariska, Taakuleynta barakaceyaasha iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ka imanaya Yemen,’’ ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Dhanka kale, Mr. Filippo Grandi ayaa Sheegay in UNCHR ay ka Go’an tahay inay Kaalmo dheeri ah u fidiso qaxootiga ku sugan xeryaha iyo kuwa dalka ku soo laabanaya, iyo weliba in laga shaqeeyo diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn, Kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliyeh Cumar.

13450831_253704048329775_2987779554628898182_n 13450773_253704331663080_6170356792874014617_n 13434951_253714348328745_3620158354309266410_n 13432339_253714561662057_1509279762507114222_n 13427993_1706374069617580_7963806410473592338_n 13427818_253703848329795_8096298334399568142_n 13423972_253715128328667_5334313745052921356_n 13427993_1706374069617580_7963806410473592338_n

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here