Wafdi ka socda Turkiga oo gaaray goobta ay ku dhibaateysan yihiin Rohingya

0
79

Waxaa Maanta gaaray dalka Bangladesh gaar ahaan goobta ay ku dhibaateysan Muslimiinta Rohingya Wafi Ballaaran oo ka socda dowladda Turkiga.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo sidoo kale Xaaska Madaxweyne Rajab Dayib Ordagan.

Ujeedka ay halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in tahay dardargelinta howlaha lagu gargaarayo Muslimiinta Rohingya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu haayo Muslimiinta kunool dalka Baarma.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad 40,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar ay u tallaabeen dhanka dalka deriska ah ee Bangladesh.

Wararka Kale Kala Nagala Socda sida Ugu Dhaqsiga Badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here