Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo gaaray magaalada Baladweyne

0
103

Baladweyne (RKGS) Sida ay SONNA u sheegeen masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxaa goor dhow magaalada Baladweyne gaaray wafdi uu hogaaminayo Danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Wafdiga waxaa magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyey masuuliyiinta gobolka, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka wafdiga ee magaalada Baladweyne ayaa lagu sheegay in ay tahay wadahadalo ay la furayaan waxgaradka Hiiraan, iyaga oo kala hadlaya arimo la xiriira dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa shirka Jowhar.

Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa in ay la fariistaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana qorshahoodu uu yahay sidii ree Hiiraan ay qeyb uga noqon lahaayeen dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here