Wajiga Sadexaad ee Tababar ay ka qeyb galayaan suxufiyiin ka socda Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada oo ka furmay Muqdisho.

0
88

Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo ahaa wajigigiisi Sedexaad ee loo qabto warbaahinada Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbland ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa sida loo mideyn karo wadda shaqeynta warbaahineed iyo u adeegidda Bulshada, tabinta Arrimaha doorashooyinka iyo ka shaqeynta wararka amaanka wadanka la xariira.

Staf Turner oo ah lataliye sarre oo dhanka warbaahinta ah hadana ka mid ah macalimiinta casharadda tababaran bixinaya ayaa sharaxay waxyaabaha lagu baranayo siminaarkan.

Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh (Al-Cadaala) agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegey iney muhiim tahay wadda shaqeynta warbaahinada Dowlada Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada dalka .

Tababarkan ayaa xiritaan u noqon doono laba tababar oo hore oo ka qeyb galayaasha loogu soo qabtay magaalooyinka Kismaanyo iyo Baydhabo, waxaana uu muhiim u yahay Radiyo kismaanyo, Radio Baydhabo iyo Radio Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here