WAR DEG DEG: Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Dib U Qabsaday Deegaanka Goofgaduud.

0
116

Baydhabo (RKGS) Waziirka Wazaaradda Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay Oo La Hadlay Warbaahinta Dowladda KGS Ayaa Xaqiijiyay In Ciidamada Booliiska Gaarka Ah Ee Dowladda Koonfur Galbeed Iyo Kuwa Mileteriga Ay Dib U Qabsadeen Deegaanka Goofgaduud Shabeelow Ee Gobalka Baay Kadib Markii Xeelad Mileteri  Ciidamadaasi  Shalay Ay Uga Soo Baxeen Deegaankaasi.

Waziir Xasan Eelay Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxaa Uu Sheegay Inuu Bilaaban Doono Howl-galo Lagu Cirib Tirayo Haraadiga Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed Ee UGUS Oo Weli Ku Harsan Deegaano Katirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waziirka

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh kooxda Al-qaacida ayaa waxaa joogto u ah weeraro ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu danbeeyay weerarkii hotelka Naasahablood1 ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here