War Saxaafadeed ka soo baxay Wazaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya

0
97
Muqdisho(RKG)—Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharaf u tahay inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz  oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .
War saxaafadeedkaasi ayaa lagu xusay in Danjire Stephen M. Schwartz uu yahay Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya.
“Magacaabistiisa waxa ay caddeyn u tahay xiriirka xooggan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka” ayaa lagu sheegay War saxaafadeedka.
Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here