Wararkii ugu dambeeyay toogashadii Orlando iyo Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay

0
98

RKGS-Tirada dadkii ku dhintay toogashadii ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Orlando ee Gobolka Florida ayaa korortay, iyadoo duqa magaalada uu xaqiijiyay in dhimashada ay ka badan tahay 50-ruux.

Nin hubeysan oo lagu magacaabo Omar Mateen ayay Booliska xaqiijiyeen inuu ka dambeeyay weerarka dadka faraha badan lagu dilay ee ka dhacay goobta lagu caweeyo.

Duqa magaalada Florida  Buddy Dyer ayaa sheegay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay magaalada, kadib toogashada dadka faraha badan ku dhinteen.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa toogtay ninkan, isagoo xilligaas dad afduub ugu heystay gudaha goobta lagu caweeyo.

Booliska ayaa baaritaan ku haya hadii falkan uu xiriir la leeyahay argagixiso dibada ah, balse waxaa la sheegayaa inay arrintan ay salka la geli karto arrin fikir.

Goobta lagu caweeyo ee toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku badan dadka isku jinsiga ah ee labka ah, waxaa dhaawaca uu marayaa 53 ruux.

Omar Mateen ayaa ka soo jeeda dalka Afhganistan, kumana jirin liiska dadka argagixisada ee ay baadigoobayaan hey’adaha sirdoonka.

Waa toogashadii ugu dhimashada badnaa ee soo marta Mareykanka, tan iyo sanadkii 2007-dii, xilligaas oo Arday u dhashay Koofur Kuuriyan uu 32 qof ku dilay jaamacad ku taal Virginia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here