WARARKII Ugu Danbeeyay ee D.Costa – Xidigan oo fariin soo diray & Chelsea oo wax badan qarineysa

0
96

DIEGO COSTA ayaa bogiisa Instigramka soo dhigay sawir uu ku taageerayo Chelsea kadib markii laga soo tagay kulanka maanta ee Leicester.

Weeraryahanka qaranka Spain ayaa lasoo sheegayaa iney isku dhacen tababare Conte kadib markii xidigan uu dalab mushaar badan ah ka helay horyaalka China.

Costa ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku guul dareystay inuu ilaaliyo taam ahaanshihiisa, inkastoo Sky Sport ay tabineyso in xidigan uusan tababarka kooxda ka qeyb galin afartii maalin ee ugu danbeysay.

Xidigan hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Ingiriiska ayaa la filayaa inuu soo gaba gabeeyo waayihiisa Chelsea, inkastoo uu 14 gool udhalliyay kooxda hogaanka haysa.

Si kastaba, naadiga Stamford Bridge ka dhisan ayaa umuuqata iney qarineyso xaalada weeraryahankan inkasto fariin gaaban oo uu ku taageerayo kooxdiisa uu soo dhigay Instagramka.

Sawirka isagoo udabaal dagaya gool uu dhaliyay ayuu kusoo qoray fariin ah “Come on Chelsea!” taas oo muujineysa dareenka uu ku taageerayo kooxdiisa.

Costa ayaa sanadkii mushaar dhan £30million ka heli kara bariga fog ee China hadii uu ka tagayo kooxda Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here