Warbixin: Dadka Barkayaasha ah Ee Ku Nool Degmada Hudur Oo Llsameeyey Shaqo Abuur.

0
86

Qoysaskani oo isugu jira danyar iyo Brakacayaashii ku sugnaa Kaamamka ku  yaala duleedka degmada Xuddur ee xarunta gobolka bakool  ayaa Noloshooda isbedelo laga dareemayaa ka dib kaalmooyinkii  kala duwan ee dhawrka mar la gaarsiiyey.

Hay’adaha samafalka ee ka hawlgala gobolka bakool  ayaa deeq lacageed oo kaash ah siiyey dadka ku soo barakacay degmada Xudur, waxaana taasi u abuurtay fursad ay noloshooda dib ugu hagaajin karaaan.

Qoysaskaan oo markii hore ahaa xoolo dhaqato kadib markii xoolahii ay ku wayeen abaartii kadhacdey dalka gaar ahaan gobolka bakool ayaa  soo galeen  degmada hudur si ay wax ugu badelaan nolashooda waxaana hadda ay wadaan sidii ay usameysan lahayeen  ganacsiyo yar yar  iyagoo ka faa’iidaysanaya kaalmada la siiyey.

Cadey maadkeer Aadan waa 70 jir haysatana 10 Carruur ah waxay ka mid tahay barakacayaasha ku nool  kaamka ceelberde oo ku yaala duleedka magaalada Xuddur waxayna sheegtey in nolosha qeyskeeda isbedel uu dareemey markii la soo gaarsiiyey lacagtaan kaashka ah  waxayna sheegtey in deegdaan lacageed ay heshey xilli qoyskedu uu wajahayey xaalad aad u adag,

“Cadey maadkeer Aadan hada nolasheyda iyo mida qoyskeygaba waxey  ku soo laabatey meeshii laga rabey madaama tan iyo markii ay naga dhamadeen xoolihii aan dhaqan jirney waxaan galney nolal aad u liidata alle mahadiis shaqo abuurkaan hada naloo sameeyey nolasheyna wax weyn ayaa iska badeshey”

Xamdi Cali Yuusuf waa hooyo dhashey  8  Carruur ah waxay ka mid tahay dadka danyarta oo ka faa’ideystey deeqdaan lacageed oo kaashka ah waxaana ka abuuratey ganacsi oo ay nolashooda ay ku mareyn karto.

Xamdi waxay miis yar oo qodaar u saran ku ii bisaa bartamaha magaalada Xuddur waxayna sheegtey sababta ay ganacsi ugu biirtey in ay tahay in nolosha qoyska ay ka raadiso madaama ay yihiin dadkii abaarta sida aadka ah ay u sameysay , iyadoo sheegeytey  ganacsigaan ay ku biirtey in ay  u aragto  horumar ay ku tilaabsatey.

Cabdulaahi Cali Deer waxaa uu ku nool yahay  Kaamka Doon-dardiir waa 32 jir waxa uu leeyahay 5 caruur ah cabdulaahi waxa uu sheegey in uu ku faraxsan yahay in uu nasiib u yeesho deeqdaan lacageed oo lasoo gaarsiiyey, cabdulaahi waxa uu kamid yahay dadka lacagta lasiyey ku  furteen  Ganacasi waana xarqaanle wuxuna bilaabey in xarqaankaan ka soo saaro nolasha qoskiisa wuxuna codsadey in lacagta hada lasiyey oo  kaashaka ah  loo  kor dhiyo.

Magaalada Xuddur ee xaruunta Gobolka Bakool ee koonfur galbeed soomaaliya waxey kamid tahay degmooyinka sida aadka ah u saameyey godoonka ay saartey kooxda maleeshiyada al shabaab’Iyadoo Godoonkaasi hoos udhigey nolasha iyo horumarka dadka ku nool degmadaasi waxaana hada ka xiran wadooyinkii soo galaayey oo had akaliya waxaa u furan wadada aada degmada beledweyne ee xarunta gobolka hiraan.

Cali Macalin Waxa uu ka mid yahay Ganacsatada Magaalada Xuddur waxana uu ka waramaey lacagtaan  kaashaka ah oo dadka lagaarsiiyey sida suuqyada looga dareemey isagoo sheegey in ka dib markii lacagahaan kaashka ah la bixiyey suuqyada in ay  noqdeen kuwo kala socdo dadkii deeqdaan ka faa’ideysteyna waxay bilaabeen in raashiino isugu jira Bur, Bariis, Sonkor iyo saliid ay iibsadaan, halka markii hore ay ahaayeen kuwo deen raadiya.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Bakool ahna kusimaha Guddoomiyaha Goboka Cabdulaahi Maxamed Nuur (snake) ayaa ka mahadceliyey lacagahaan kashka ah oo qoysaskaan tabaaleysan lagaarsiiyey wuxuna intaasi uu ku darey in deqqdaan xilligii ku xabooneyd ay timid kamaamul ahaanna ay marlabaad iyo mar sedexaadba ay ka mahadcelinayaan, wuxuna codsadey in lacagahaan la kordhiyo maadaama weli roobkii deryta aanu ku di’in qeybo ka mid ah Gobolka Bakool.

BY:Mohamed Abdiraxman Awgooni

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here