Warbixin: Sheekh Shariif & xisbiga Daljir oo heshiis gaaray

0
112

Diyaar-garowga doorashada iyo ololaha gaba gabada maraya ka sokow, waxaa si xowli leh uga soconaya aqallada iyo hoteellada ay kala degan yihiin musharixiinta Madaxweyne olole lagu raadinayo Xildhibaanno ku filan guul laga keeno doorashada si uu u fulo ajandayaasha iyo barnaamijyada ay ku doonayaan inay ku hogaamiyaan dalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Xisbiga Daljir oo xubnihiisa ugu sareeya ee ka mid noqday Golaha Shacabka ay xilligan cayaarayaan kubad siyaasadeed, kaddib markii ay heshiis wada galeen Musharax Sheekh Shariif.

Isu soo dhowaanshaha Xisbiga Daljir iyo Musharax Shariif ayaa waxaa ka shaqeeyay xubno u badan Culumaa’udiin iyo siyaasiyiin, waxaana jiray kulamo is-daba joog ahaa oo gudaha iyo dibadda ahaa, kaasoo ujeedkiisa ahaa in la isku soo dhoweeyo labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Xisbiga Daljir oo ay ku jiraan Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xasan Macallin Maxamuud, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar kale pp saaxiib dhow la ah ayaa ku garab noqday Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dad badan oo siyaasadda faalleeya ay ku sheegayaan inuu ku dhow yahay inuu mar kale qabto Madaxtinimada Soomaaliya.

Xisbiga Daljir iyo hogaankiisa waxaa loo tirinayay inay yihiin garab ka fallaagoobay  Aala Sheekh, taasi oo ka dhigtay bilihii ugu dambeeyay sanadkii hore ee 2016 in qaarkood  taageerayayaal siyaasadeed  ay u noqdaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo u suura gelisay inaysan cadaadis balaaran kala kulmin Xildhibaannimadooda oo ay ka soo galeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha Daljir ee is bedelay markii ay Xildhibaannimada ku guuleysteen doorashadii Cadaado kaddib, ayaa hada ka shaqeynaya sidii Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo dooran laheyn, iyagoo bilaabay barnaamijyo iyo kulamo siyaasadeed uu maalmihii la soo dhaafay hormuud ka ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, kaasoo ka dhan ahaa ololaha dib u doorashada Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa saadaalinaya in doorashada Madaxweynaha ay wareega ugu dambeeya isku soo hari karaan Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, si la mid ah doorashadii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here