WARBIXIN:- XAALADAHA ABAAREED EE KA JIRA GOBALKA BAAY, BAKOOL AYAA SABABTEY DHIMASHO DAD BADAN

0
99

Baydhabo (RKG)Xaalada Dalka oo weli ay tahay mid abaareed sidaa ay tahyna gobalada ay u simanyihiin ayaa abaartani saameyn weyn ku yeelatey dadka iyo dunnyadaba ha u badnaadaan dadka tuulooyinka degan kuwaasoo xoolahooda ku waayey inta badan abaarta dalka ka jirta
Dadka abaarta saameynta ku yeelatey ayaa waxaa usii dheer biyo la’aan bahsan iyo cuduro oo qaarkood ay u dhinteen qaarna ay hada la il daran yihiin
Deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Magaalooyinka ayaana ka jirin xaruumo caafimaad iyo daawooyin ku filan oo dadka abaarta dareemey iyo cudurka u sii dheer lagu daaweeyo
Xaalada Dadkaasi ayaanan aheyn mid qiyaasan, cudurna Allah ayaa daaweeyn kara .
Dhibaatada dadka dalkaan ku nool wey islaqabaan balse xanuunka dadka qaar ayaa dareemeya
Soomaaliya Waxaa lagu tiriyaa qeyb ka mid ah qaarada Afrika ,dalkan waa dal qani ah wax soo saarna leh balse faaidadiisu ay yartahay
Dunida oo idil ayaa qeylan dhaanta abaartani gaartey laakiin ma ahan markii ugu horeysey ee dalkan Soomaaliya uu ku dhaco Cudurka Abaaraha .
Umad weliba dhibaato marka ay ku dhacdo waa ay Is caawiyaan iyaga iyo Madaxda dalkooda sidoo kalena Wey ka gaashaantaan balse Dadka dalkaan u ma eka kuwa mar weliba diyaar garooba .
Abraatani waa musiibo qof weliba deegaanka uu ku nool yahay ayuu dhib ku dareemeya
Dadka degan magaalooyinka ayaa inta badan ka cabaneya biyo yari
Dadka deegaanada baadiyaha degan maxaa u sii dheer?
Oon iyo rafaad beerihii waxba kuma bixin Dalka roob ka ma da’in
Dadka reer baadiyaha waxey markii dambe deegaankooda ku doorbideen magaalooyinka u dhow si ay u raadsadaan noloshooda mid dhaanta balse waxey soo mareen safar aad u culus sidaa ay tahyna waxey ku yimaadeen lugahooda .
Safarkoodu wuxuu ahaa mid bilo iyo maalmo qaatey caruur iyo waayaliin ayey la socdeen rafaad ,gaajo Biyo la’aan daal dhibkooda ma yareen .
Nolosha ayaaba mararka qaar rafaad leedahay .
Waxey ahaataba magaalooyinka marka ay imaadaan maxeyse la kulmeen?
Noloshoodii hore maxaase iska bedaley?
Abaarta guud ahaan geyiga soomaalidu waa ay ka jirtaa
Meelaha ugu darnaa ayey aheyd Gobalada Koonfureed ee Dalka soomaaliya iyo Gobalada Bari
Dhanka koonfurta marka laga reebo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo ay joogaan Dad barakacyaal ah oo xaaladooda liidata ayaa maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya uu ka koobanyahy Seddax Gobal oo kala ah Gobalka Baay .Bakool iyo Sh/hoose
Waa gobalada sida aadka ah loogu dareemey Abaarta xooganeed oo dad badan ay gaajo iyo Cudurka Shuban Biyoodka ugu dhinteen
Xaalka ma uu san sahlaneyn maalin ,maalinba maalinta ka dambeysa ayaa dhibaatadu sii adkaaneysey
Dadka Seddaxdaan Gobal dega ayaa noloshooda inta badan ku tiirsaneed Beeraha iyo Xoolaha
Abaarta dalka marka ay bilaawatey si weyna saameeyn ugu yeelatey Dadka gobaladaan oo kuwa Tuulooyinka deganaa yaa magaalooyinka durbadiiba imaadeen ayaa xaalka sii xumaadey
Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay waxaa soo gaarey qiyaastii in ka badan dhowr kun oo dad oo ay ka yimaadeen Tuulooyinka Seddaxdaan gobol saameyn weyn ku yeelatey Abaarta Dalka ka jirto .
Waxeyna degeen dadkaasi Barakacyaasha ah ee deegaanadooda ka soo tagey cuna yari iyo biyo la’aan darted duleedka magaalada oo ay ku dhisteen Buushash .
ilaa dhowr tiro oo Kaamam ah ayaa jira oo ka dhisan Magaalada Baydhabo
Xitaa dadka qaar meel ay degaan ayey waayeen oo qoys ba qoyska kale ku dul noolaadey
Goobta ay degeen Dadkaasi ma aheyn meel dhaxanta ka celin karto Balse Nolosha ayaa ku kaliftey in ay halkaasi degaan
Raashiin iyo Biyo ma lahan Kor xanuun ayaa la jiryo Caruurt ayaa gaajo la oyneysa
Xaaladooda ayaa sii adkaatey Caruurtii ayaa gaajo iyo shuban dartood u geeriyoodaan
Dadka qaar Maskaxduba ma joogto ileen Xoolihii ayaa ka dhamaadey
Waayeel ooyneya ayaa la arkeya dhibku ma yare maxaa dadka noloshooda isbedashey
Nooluhuna Biyo la’aan ma noolaan karo Somaaliduna waxey ka mid yihiin Dadka Biyaha aad u Jacel.
Sikastaba ha ahaatee Nolosha dadkaasi ayaanan Wanaagsaneyn
Degaanada qaar waxaa ku dhintey dad fara badan sida tuulada Musiibiyow ee hoose yimaada degaanka Awdiinle ee Gobalka Baay halkaasi oo dadka qaar biyo wasaqeysan caween biyo la’aanta darteeda sidaana ay ku dhinteen .
Sidoo kale waxaa ka mid ah deegaano hoos taga Magaalada Baydhabo oo dad ay cudurka Shuban Biyoodka dartiisa ugu dhinteen
Gobalka Baay ayaa ugu dhintey Boqol iyo toban qof baahi iyo Cudurka shuban biyoodka dartiisa .
Wallow ay jiraan ururo dhalanyaro, Ganacsato, Ardeyda Iskuulaatka quraba joog iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sii wadaaan u gargaarida Dadka Buktaasha ah ee ku jira Kaamamka Gobaladaan ha ubatnaato Gobalka Baay
Waxaa socda Dadaalo lagu caawineyo dadka Abaarta soo saameysey
Waxaa kaamam badan oo ay ku jiraan dad barakacyaal ah loo qeybiyey Raashiin sidoo kalena Biyo dhaamin loo sameeyey
Ifaaflo yar ayaa bilaawatey oo dadka noloshooda bedeshey inkastoo sida larabey ay soo noqon xaalada ayaa hadana aheyn midi hore
Weli saameynta abaaraha ba’an ee soomaaliya waa ay taagantahay caawintana wey socotaa .
W/Q:- Weriye Abdirahman Yusuf Hassan (Soori)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here