Wasaaradda Maaliyada Oo Hirgalisay Mashruuc Lagu Hormarinayo Maamulada Gobolada.

0
94

Muqdisho (RKGS) Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda faderaalka Soomaaliya talaadadii 19-kii julay 2016, ayaa kulan isugu yeertay gudigga la talinta mashruuca Adeegga maagelinta gaarka ah ee hormarinta gobolada, oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda, Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo masuuliyiin matalaysa  Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe, kulankaasi oo ujeddkiisu ahaa sidii ay talo ay uga  bixin lahaayeen sida mashruuca loo gaarsiin karo Gobolada, iyada oo baahiya ay ka imaanayaan dadaka deegaanka.

Mashruuca Adeegga Maalgelinta Gaarka ee hormarinta Gobolada (Special Financing Facility for Local Development) wuxuu daba socdaa hawlahii uu bilaabay mashruucii SFF ee ay maalgelisay Dowladda Nowray oo howshisu la soo gaba gabeeyay 31/12/2015.

Ujeedada mashruuca waa dib-udhiska kaabayaasha dowladda dadwaynaha (Public infrastructure) iyo tayeeynta awooda wax qabad ee hay`adaha maamul goboleedyada. Mashruuca waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraysa bangiga Aduunka iyo Qaramada midoobay xafiiska Nada-dhiska (peace building) Hirgelinta mashruuca waxaa hoggaaminaysa Wasaaradda Maaliyadda ee Dowaldda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan waaxda fulinta mashaariicda (project implementation Unit)

Wasiirka Maaliyada mudane Maxamed aadan Ibraahim Fargeeti oo furay kulanka gudiga  ayaa sharaxaya  muhiimadda Barnaamijkaan, oo ay ka mid tahay in uu shaqo abuurid u samaynayo dadka deegaanka, in uu gacan ka gaysanayo dhismaha hay’adaha maamulka, sidoo kalana uu dhiiri galinayo shirkadaha ganacsi ee deegaanka laga fulinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here