Wasiir Yuusuf Garaad oo hortagay Baarlamaanka

0
89

Kalfadhiga labaad kulankiisa 14-aad, kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay C/wali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka ayaa maanta ahaa in Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya uu hortago Baarlamaanka, ayna su’aalo waydiiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta oo Axad ah waxaa hortagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, waxaana su’aalo laga weydiiyay shaqada Wasaaradda iyo wixii u qabsoomay mudada uu Xafiiska Joogo.

Gaba gabadii kulanka Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka jawaabay qaar ka mid ah su’aalihii ay weydiiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadeen isla xisaabtan ku aadan Wasiirada Xukuumadda Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here