Wasiirk ku_xigeenka qorsheynta oo kulan mareykanka kula yeeshay madaxda USIAD

0
80

Wafdi uu   hogaamayo wasiir ku-xigeenka wasaarada qorseynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumada somaaliya prof Cabdilaahi sheikh Cali(Qaloocaw). Oo  safar shaqo  ah u jooga dalka mareekanka ayaa la kulmeen madaxda hey’adda USAID ,oo dowladda Mareykanka u qaabilsan mucaawinooyinka dunida.

Wafdigaasi iyo mas’uuliyiinta kale ee ka socday hey’addaasi  waxayna ka wada hadleen sidii mucaawanada USAID ay u noqon lahayd mid waxtar muuqda u yeelan karta ,isla markaana ay noqoto mid ku jaango’an orshaha Horumarinta Qarankan (NDP).

Iyadoo masuulayiinta  Hay”adda USAID  waxay  boogaadiyeen  Dowladda Soomaaliyeed dadaalka dheer ee ay u gashay sameynta qorshaha qarankala somaaliyeed iyo dib u dhiska  koobayaasha   dhaqaalaha  iyo hormarka dhinc walbo ay   gaartay dowlada  somaaliya .

Wasiika ku_xigeenka ayaa  sheegay in qorshaha hormarinta qaranka somaaliyeed diyaarintiisu  ay  ahayd mid somaliya oo dhan guuul u ah  isla amrkaana  wadatashi laga yeeshan  madaxda dowlada iyo shacabka somaaliyeed ee ku nool gobalada dalka,

“waxaan wadatashi aan la yeelanaya xubnaha dowlad gobaleedyada iyo  dowlada federaalka wassaaradoahooda waxaana  naga wada go”naa  sidi wadanka aan ugu sameyn lahayn Qorshe sadax sano  ah kaasi  uusan ahayn mid layska  riyooda oo  kaliya balse uu noqda wax cad loo dalkan lagu hagi karo,,

Dhinca kale wasiir ku_xigeenka Wasaaraada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumada somaaliya mudane Cabdulaahi Shiekh Cali , ayaa shir la qaayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington iyagoo isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa Ishaashiga dhaqaalaha ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdigii uu hoogaaminayey ayaa  waxay shir la yeesheen Qurbajoogta soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Mareykanka ee Washington iyo Gobollada ku xeeran, waxayna u bandhigeen Qorshaha Horumarinta Qaranka 2017-2019. Waxaa halkaas qurbajoogtu ka soo jeediyeen su’aalo fara badan oo la xiriira qarshaha horumarinta Qaranka

Wasiir Ku-xigeenka ayaa dhammaan ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen qurba-joogta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ka qaybgalayaasha  shirka waxay boogaadiyeenn  habkìi loo diyaariyay Qorshaha Harumarinta qaranka ,iyadoo  la  dhiirriigeliyay Wasaaradda Qorsheynta horumarka ay ka sameysay dhanakaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here