Wasiirka arimaha Gudaha oo Suudaan kula kulmay madaxda jaamacadda Afrika.

0
91

Khartoum (RKGS) Wasiirka Arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo wafdi uu hogaaminaayo  ayaa dalka Suudan  kulan kula qaatay madaxda Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dowladood iyo arrimo quseeya dhanka waxbarashada.

Wasiir Odowaa  ayaa ugu mahadnaqay Maamulka madaxda Jaamacadda,  dowladda iyo shacabka Suudaan  sida ay u garab istaageen da’yartii Soomaaliyeed ee waayay waxbarasho ay ku helaan gudaha dalka,isagoo intaa ku daray  in ay jireen arday badan oo dhibaato usoo marey in ay Suudaan soo gaaraan  si ay waxbarasho u helaan oo ay kasoo waayeen wadamo badan oo daris ah

Wasiirka arimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen  ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Afrika  in ay ka soo qeyb galeen shirkii tacliinta sare ee ay qabatay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed kaas oo ka dhacay magaalada muqdisho .

Dhankiisa Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd ayaa isagana ka mahadceliyay booqashada wasiirku ku tagay  Jaamacadda Afrika isagoo sheegay in tacliinta Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay wuxuuna intaa raaciyay in ay doonayaan in ay xiriir la yeeshasan

Wafdiga uu horkacayo Wasiir Odowaa ayaa lagu wadaa in kulamo kale ay la qaataan  madax da dowladda Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here