Wasiirka Cadaaladda oo maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

0
105

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacaya Xaunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa looga hadlaya kulanka qorshaha Xukuumada ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada hortagaya oo Su’aalo laga weydiinaya dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxa ay dalbadeen in Wasiirka Cadaaladda uu hor yimaado Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here