Wasiirka G/dhigga oo Muqdisho kula kulmay Madax ka tirsan Q/M

0
117

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley  wafdi ka socda Qaramada Midoobabey oo ay hoggaaminaysay  u qeybsanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Carruurta  ku dhex nool Waddamada khilaafka hubeysan ka jiro Mss Leila Zerrougui.

Kulankaasi ayaa la iskula soo qaaday sidii ay Dawladda Soomaaliya  mar kale u xaqiijin lahayd in laga dhowro Caruurta da’doodu  yar tahay ka mid ahaanshaha Ciidamada iyo ilaalinta xaquuqda Caruurta xilliga lagu jiro dagaallada.

“Arrintani waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkii ay Dowladda federaalka Somalia gashay ee ku saabsanaa ilaalinta iyo ka hortegidda in Carruurta yar-yar la askareeyo iyo weliba in wax laga qabto arrimaha la xiriira sidii carruurta yar-yar looga saaro goobaha dagaalada”, sidaasina waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Somaliya Mudane Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini.

Kulankaasi waxaa kaloo ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here