Wasiirka qorsheynta XFS oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan qiimeynta iyo dabagalka qorshaha Qaranka

0
99

Shirkani oo u dhexeeya wasaaradaha qorsheynta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo  arrimaha dabagalka qorshaha qaranka.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta qaranka C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta kusugan, Waxaa si rasmi ah u furay shirkaasi wasiirka qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Max’ed Xasan oo sheegey in muhiim uu u yahay shirkaasi Arrimaha qorshah Qaranka iyo sidii dabagal  loogu sameyn lahaa.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigayaa xeer ka hadlaya habka qiimeynta iyo dabagalka qorshaha Qaranka ee loo sameeyay dalka kaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa muhiim in aan  qiimeyn iyo dabaglo ku sameyno qorshaha Qaranka, waxaa lagu saleynayaa mashaariicda horrumarineed ee dalka laga fulinayo mid ay la socoto Dowladda Soomaaliya” sidaasina waxaa yiri wasiirka qorsheynta Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here