Wasiirka warfaafinta Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay malaaqyo ku dhintey qaraxii Hotel Dayax

0
81

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, Xasan Cabdi Maxamed  ayaa ka tacsiyeeyay labo malaaq oo ku dhimatay qaraxyadii saakay lala beegsaday Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.

Malaaq Malaboow Malaq Isaaq Xasan Keeroow iyo Malaaq Cabdirashiid Shiikh Cabdisalaan ayaa kamid ah dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Dayax.

“Allaha u naxariisto Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan Keeroow iyo Malaaq Cabdirashiid Sheeq Cabdisalaan oo maanta kugeeriyoodey qaraxii hotel dayax ee magaalada muqdisho inaa lilaahi waa Inaa ileyhi raajicuun” ayuu Wasiir Xasan yiri.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyadii maanta ka dhacay Hoteelka Dayax ayaa sheegtay in ay ku dhinteen 10 qof ,50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qaraxyada ay isugu jireen weerar toos ah iyo sidoo kale qaraxyo loo adeegsaday gawaari.

Qaraxa hore ayaa lala beegsaday albaabka huteel Dayax, halkaasi oo ay tagaan qaar ka mid ah xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa labaad ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay gaari ay wateen maleeshiyada huteelka gudaha u gashay.

Ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo afjaray howlgal uu ka waday gudaha huteel Dayax.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in uu ka dambeeyay weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here