Wasiiru Dowlaha waxbarashada Somaliya oo Garoowe kaga qayb galaya shirwayanah saddexad ee waxbarashada Puntland

0
95

Xilli lagu wado in uu Magaalada garoowe uu ka furmo shirwayanah sadexaad ee dib u eegista tayada waxbarashada Puntland ayaa maanat waxaa Garoonka Diyaaradaha ee kanoco ka soo dagay wafdi ballaran oo uu Hogaaminayay wasiiru Dowlaha Waxbarashada Dowlada Federal ka ah ee Somaliya C/laahi Bile Nuur Waxaana wafdiga uu horkacayay qayb ka ahaa agasiamah guud ee waxbarashada Jubbaland iyo hay’adaha Caalamiga ah ee Puntland ka taageera dhanka waxbarashada.

Wasiirka wasarada waxbarasahda iyo tacliinta sare ee Puntland Prof.Abshir Yusuf Ciise oo saxafada la hadlay soo dhawaynta wafdiga kadib ayaa faahfaahin ka Bixiyay imaatinka wufuudan kala duwan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkan kafurmidoona  Garowe looga arinsandoono Heerka waxbarasho ee Puntland iyo hormarada lagaaray sanadkan.

Sanad walba waxaa ay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland qabataa shirweyne caynkan oo kala ah wuxuu na kamid yahay kulamada ugu Caalamisan ee lagu qabto Puntland loogagana hadlayo horumarinta iyo kor u qaadida tayada waxbarashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here