Waxa dhabta ah ee ku jira muuqaalka Alshabaab ee weerarkii Ballidoogle

0
124

Muuqaal ku dhowaad, saacad soconaya oo ay soo saareen argagaxisada Alshabaab,  ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen maleeshiyaadkii fuliyay weerarkii 30 bisha September ka dhacay xerada Ballidoogle oo khasaare xoogan ka soo gaartay Alshabaab.

Horjoogaha Alshabaab Axmed Diiriye, oo maleeshiyaadka la dardaaramay ayaa ku dheeraaday culeyska ay kala kulmeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamka, isagoo ku marmarsiyoonaya in dadka shacab ah la dilay isla markaana iska dhigaya qof ka xanuunsanaya dhibaatada soo gaartay dadka Soomaaliyeed.

Hadalka Axmed Diiriye, waxaa laga dha dhansan karaa sida howlahooda caqabad ugu noqdeen howlgalada qorsheysan ee lagu khaarijiyo horjoogiyaasha iyo maleeshiyaadka argagaxisada.

Waxyaabaha la yaabka leh ee ku jira hadalka horjooge Axmed Diiriye,  waxaa kamid ah; in gumaadka dadka Soomaaliyeed ay ku hayaan looga aarayo dhibaatada heysata Falastiin iyo Afghanistan, taas oo ka hor imaanaysa sheegashadiisa ah in uu u naxayo dadka Soomaaliyeed.

Balan qaad aan la hubin!

Axmed Diiriye, oo la hadlay maleeshiyaadka loo diyaariyay weerarka Balidoogle ayaa u sheegay in meesha ay u sagootinayaan ay tahay janno, taas oo micinaheedu tahay in ay janno galayaan hase yeeshee balan qaadkaas yaa bixin kara oo bani’aadam ah NABI MUXAMED NNKH gedaashii?

Waxaa kale, uu sheegay weerarkooda loogu talagalay in lagu joojiyo howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah ee Alshabaab, taasina waa balan qaad aan la hubin maalintaas isla markaana muujinaya ka warqabid la’aan xaqiiqooyinka jira.

Horey looma arag

Inta badan argagaxisada muuqaaladan noocaan ah oo ay ku buunbuuniyaan ficiladooda guracan waa ay soo bandhigaan, laakiin waxa ku cusub muuqaalkaan ayaa ah in horjoogaha Alshabaab markii ugu horeysay uu ka soo muuqdo bandhigga noocaan ah taasi waxaa ay ina tusaysaa sida ay u jeclaan lahaayeen weerarada kaga imaanaya ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamka.

Muuqaalo badan ayay horey u soo bandhigeen argagaxisada kuwaas oo ay ku sheeganayaan in ay guulo ka gaareen weerarada ay fuliyaan.

Fashilka Alshabaab ee weerarkii Ballidoogle

Xog laga hayay dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka Alshabaab oo lagu daro feejignaanta ciidanka ku sugnaa xerada Ballidoogle ayaa sababtay in argagaxisada ku fadhilmaan weerarkii 30 September ay haweysteen in ay ku qaadeen saldhigga Ballidoogle.

Dhammaan maleeshiyaadkii weerarkaas loo soo diyaariyay ayaa lagu wada toogtay banaanka xerada sidoo kale waxaa laga hortagay gawaaridii qaraxa ku arnaa ee maleeshiyaadka wateen.

Waxaa laga furtay hub aad u badan oo ay kamid yihiin; qoryaha BKM loo yaqaano, RBG ama Baazuuke iyo hubka fudud iyo rasaas tiro badan.

Sababta muuqaalka u faafiyeen

Maadaama ku hungoobeen damacooda ee Ballidoogle, haddana Alshabaab waxaa ay faafiyeen muuqaalka dhalinyaradii ay khaldeen oo dhiigooda ku baxay si micno daro ah oo aan ka fiirsi laheyn.

Sababta ugu weyn ee ay u faafiyeen muuqaalkan ayaa ah in ay muujiyaan in ay weerari karaan saldhigyada iyo goobaha muhiimka ah, dan kama lahan weerarkooda in uu khasaare geystay iyo in kale. Waxaa kale, oo ay doonayaan in loo arko urur xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here