Waxgaradka Hiiraan oo baaq u diray xildhibaanada cusub

0
118

Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay ka haldeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan mida Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan ka dhici doonta Magaalada Muqdisho.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka in ay doortaan Madaxweyne Daacad ah, Diinta iyo Dalkaba u shaqeynaya.

Sidoo kale Waxgaradka ayaa sheegay lacag laaluush ah oo la dhiibo in aysan waxba tareynin, loona baahan yahay in Soomaaliya dhibaatada hada ay ku jirto laga saaro.

Musharaxiin badan ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in Dalka sanadkan uu u baahan yahay isbedel hoggaan, si dalka iyo dadka loo badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here