Wazaaradda Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Oo Ka Hadashay Howl-galada Ciidmada Amaanka Ay Ka Wadaan Deegaanada Koonfur Galbeed

0
108

Waziirka Wazaaradda Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay Oo La Hadlay Warbaahinta Dowladda Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Xaaladda Amaan Ee Deegaanada Koonfur Galbeed Iyo Howlgalada Ciidmada Amaanka Ay Kula Dagaalamayaan Haraadiga Maleeshiyada Alshabaab.

Waziir Xasan Eelay Ayaa Sheegay In Ciidamada Booliiska Gaarka Mudooyinkii Dambe Howl-galo Ay Ka Wadeen Deegaano Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, Howl-galadaasi Oo Ciidmada Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Booliiska Gaarka Ay Kasoo Hooyiyeen Guulo La Taaban Karo.

Waziirka Hub Ka Dhigista Xasan Xuseen Eelay Oo Hadlakiisa Siiwata Ayaa Waxaa Uu Amaan Balaaran Iyo Mahadnaq U Jeediyay Shacabka Ku Dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sida Mar Walba Ay Ula Shaqeynayaan Ciidamada Amaanka Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo Kale Waziirka Ayaa Waxaa Uu Soo Hadal Qaaday In Cadowga Nabadda Iyo Nolol Diidka Ah Ee Shabaab Hadda Ay Soo Foodsaartay Cabsi Ay Ka Qabaan Ciidmada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Haddana Ay Bilaabeen Inay Isku Soo Dhiibaan Dowladda Si, Ay Uga Mid Noqdaan Bulshada Deegaanka, Asagoona Dhlinta Kale Ee Ku Jira Maleeshiyada Alshabaab Ugu Baaqay Inay Kasoo Laabtaan Wadada Qaldan Cafisna Loo Fidin Doono.

Ugu Dambayn Waziirka Wazaaradda Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Ayaa Waxaa Uu  Waalidiinta Ubadkooda Ay Qaldeen Maleeshiyada Alshabaab U Diray Fariin Ku Aadan In Caruurta Ay Ka Soo Celiyaan Wadada Qaldan Ee Lagu Marin Habaabiyay Asagoona Sheegay In Dowladda Koonfu Galbeed Ay U Diyaarisay Xarun Lagu Dhaqan Celiyo.

Hadalka Waziirka Ayaa Waxaa Uu Ku Soo Aadayaa Xii Ciidamada Amaanka Dowladda Koonfur Galbeed Mudooyinkii Dambe Ay Wadeen Howl-galo Lagu Baadi Goobayay Haraadiga Maleeshiyada Alshabaab Oo Weli Ku Dhuumalaysanaya Qaar Kamid Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wariye Bishaar Xasan Maxmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here