Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo laguu qaaday Askar ka tirsan Afganistaan.

0
82

in ka badan 15 Askeri oo ka tirsan Ciidamada Afganistaan ayaa ku geeriyootay kadib markii koox hubeysan oo ka tirsan Taalibaan ay ku weerartay  bar kontarool oo ay Askartaasi ku sugneyd  kana tirsan Gobolka Qandahaar ee Koonfurta dalkaasi.

Afhayeenka Xaakimka Gobolka Qandahaar oo  lagu  magacaabo Samiim, ayaa sheegay  in weerarkaasi u dhacay ka dib markii kooxo hubeysan oo ka tirsan Dhaalibaanka ay  ku hoomeen bartaasi kontaroolka oo ay joogeen Ciidamo ka tirsan Mileteriga iyo Booliska dalkaasi kuwaa oo ilaalinayay  amniga .

Warbaahinta maxaliga  ee Afganistaan ayaa baahisay in weerarkaasi lagu laayay Ciidamada Afganistaan masuuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Taalibaan, ayna dishay 15kaa askari isla markaana 32 maleeshiyadeeda ka tirsan ay qabsadeen Saldhig Ciidamadu halkaa ku lahaayeen ayna ka furteen hub iyo saanad fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here