Weerar ka dhacay Mareykanka oo lagu dilay 20 ruux oo ku sugnaa goob lagu caweeyo

0
97

(RKGS) Ku dhowaad 20-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku yaal magaalada Orlando Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Nin hubeysan ayaa galay goobta lagu caweeyo, xalay saqdii dhexe xilliga Mareykanka, waxaana uu rasaas ku harqiyay dadkii caweynayay.

Booliska ayaa sheegay in howl galka ka socday goobta lagu caweeyo ay socotay muddo saddex saacadood, iyadoo markii dambe la toogtay ninkii hubeysnaa.

Ninka hubeysan ayaa afduub ahaan u heystay dad ku jira goobta lagu caweeyo, waxaana goob joogayaal ay sheegeen dadka badan lagu dilay gudaha Club-ka.

Booliska Orlando ayaa xaqiijiyay in 42 ruux ay ku dhaawacmeen toogashada, iyadoo la dilay ninkii hubeysnaa.

Waxaa falkan lagu tilmaamay fal argagixiso, balse wali lama og inuu yahay fal gudaha iyo in dibada laga soo maleegay.

Baaritaano ayaa ka socda halka uu weerarka ka dhacay, waxaana weerarkan ku soo aadayaa, iyadoo jimcihii gabar heesaa ah lagu dilay Orlando, iyadoo aan la ogeyn cida dilka ka dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here