Weerarkii SYL wuxuu daliil u yahay guusha dhanka amniga laga gaaray

0
133

Qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siisay, howlgalo bartilmaameed leh isla markaana qorsheysan iyo hubinta gaadiidka waddooyinka Muqdisho isaga kala goosha ayaa kamid ah qorshahaas.

Durba waxaa muuqanaya miraha tallaabooyinkaas dowladda u qaaday ka hortagista falalka guracan ee argagaxisada ku howlan tahay, baraha lagu hubiyo gaadiidka kala duwan ayaa ciidanka dowladda kordhisay.

Maadaama, dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto argagaxisada uu yahay mid ka duwan intiisa badan dagaal toos ah oo labo dhinac u dhexeeya ayaa haddana dowladdu ka fekirtay hadba sida ugu fudud isla markaana ugu waxtar badan.

Horey, waxaa u jirey weeraro is qarxin iyo dagaal toos ah oo argagaxisada Alshabaab la beegsanayeen goobaha shacabka ee loo yaqaano (soft targets); sida Hotelada iyo goobaha kale ee ganacsiga oo dadweynuhu ku nastaan xilliga shaqooyonka ay fasax ka yihiin.

Ku dhowaad sanad, dowladdu waxaa ay soo kordhisay in qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka soo gala ama ka baxa meelaha ay ku yaalaan xarumaha dowladda iyo meelaha kale muhiimka ah aysan u soo gudbin gaadiidka ka imaanaya magaalada inteeda kale.

Tallaabadaas oo bilowgii hore dad badan u fasirteed mid lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah ayaa hadda waxaa soo baxday in arrintaas aheyd tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday ayna mudan tahay in la bogaadiyo.

Maxaa laga bartay weerarkii xalay?

Weerarkii xalay, ayaana daliil u ah wax tarka kordhinta baraha lagu hubiyo gawaarida, sababtana waxaa ay tahay markii ay ku adkaatay Alshabaab in ay u dhaqmaan sidii hore oo aheyd gawaari qaraxyo saaran yihiin iyo maleeshiyaad ay ku weerari jireen goobaha shacabka.

Shan maleeshiyo oo naftood haligiyaal ah oo ciidanka amniga isku soo ekeysiiyay ayay xalay soo direen si ay ugu yeraan u muujiyaan in ay wax sameyn karaan, laakiin waxaa ay xaqiijiyeen oo kali ah in ay dhintaan, inkastoo dad qaranka qiimo u lahaa ay sabab u noqdeen in aan wayno.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa qirey in tani ay tusayso in Alshabaab u suurtagali wayday in gaari qarax saaran yahay ku soo weeraraan Hotel SYL, maadaama la xirey dhammaan waddooyinkii ay soo marsiin jireen gaadiidkaas.

Arrinta kale, argagaxisada ku adkeysay in ay gaari qarax saaran yahay u soo direen Muqdisho ayaa ah in dowladdu ahmiyad siisay tayada askarta gaar ahaan tababarka, qalabeynta iyo daryeel ahaan, dhalinyaro badan ayaa ciidanka amniga ku biirey kuwaas oo tababar ku qaatay gudaha iyo dibadda.

Wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo shacabka ayaa sidoo kale ah qodob kale oo muhiim ah, sida lagu xusay war saxaafadeedka ka soo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya.

Maxaa la gudboon dowladda?

Maadaama la ogaaday waxtarka qorshihii hore in haddana looga dabatago hanaankan cusub ee ay iminka la yimaadeen argagaxisada Alshabaab oo ah in rag hubeysan magaalada u soo direen isla markaana abuuraan khalkhal amni sidii xalay dhacday.

In lala yimaado qorshe lagu kala saarayo ciidanka dhabta ah iyo ciidan isku ekeysiiye, sida argagaxisada iyo waxkasta oo dhibaato ka shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here