Wiil dhallinyaro ah oo tooreey ku dilay haweeneey 5 kalena ku dhaawacay London Aug 4, 2016 70 0

0
91

London (RKGS) Wiil dhallinyaro ah oo 19 jir ah ayaa xalay Russel square ee Bartamaha Magaalada London Dad ku weeraray Tooreey, kaasoo Haweeneey ku dilay 5 kalena ku dhaawacay.

Booliska Magaalada London ayaa sheegay in Wiilkaasi dhallinyarada ahi uu dhib ka gaystay halkaasi, waxaana ay sheegeen in Wiilkaasi uu Maskaxda ka jiranaa, balse la baari doono in wax fal argagaxisanimo ama wax kaleba lala xariiryo ama ay ku lug leeyihiin.

Booliska ayaa waxaa kale oo ay sheegeen Wiilkii dhibkaasi gaystay la xiray, islmarkaana Dadkii lagu dhaawacay halkaasi la geeyay isbitaalo si loo dabiibo, iyagoo intaasi raaciyay in goobtii uu shilku ka dhacay ay haatan degan tahay iyo guud ahaanba Magaalada London.

falal noocaani oo kale ah waxay horey uga dhaceen dalal ka tirsan Qaaradda Yurub oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here