Wiil Somali ah oo 700 oo dhagax ah kilyihiisa laga soo saaray

0
89

Muwaadin Somaliyed oo muddo ka xanuunsanaayay kilyaha, ayaa qaliin lagu sameeyay, kadib waxaa laga soo saaray dhagxaan gaaraya 700 sida ay sheegtay dhaqtarad ka tirsan Isbitaal ku yaallo dalka India.

Muwaadinka qaliinka lagu sameeyay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan, waxaana uu ka tagay Magaalada Gaalkacyo, kadib markii dhaqaatiirta ay u sheegeen in kilyihiisa mid ka mid ah Infekshan uu hayo, sidaasina uu ku tago dalka India.

Waxa uu tagay dalka India waxaana saddex maalmood ka hor lagu sameeyay qaliin guuleystay oo labada keli lagu sameeyay, sida ay shaacisay Surya Prakash oo ah Dhaqtaradda qaliinka ku sameysay C/raxmaan ee Isbitaalka Virinchi Hospitals.

“Markii uu halkaan noogu yimid, wuxuu noo sheegay in Kilidiisa Infekshan ay qabto, laakiin markii aan qaliin ku sameynay, waxaana ka soo saarnay dhagxaan badan, waxaana ka hor inta aanan qaliin ku sameynin saarnay qalabka lagu ogaado dhagxaanta.” Ayeey tiri Drs Surya Prakash.

“Dhagxaanta qaarkood intii aan ku guda jirnay qaliinka ayeey soo daateen, waxaana intii kale markii aan soo saarnay ku qiyaasnay 700 oo dhagxaan yar yar ah, qiyaastii 100 illaa 150 dhagxaan ah waa ay naga daateen.” Ayeey hadalkeeda sii raacisay Drs.

Drs Surya Prakash, waxaa ay sheegtay in tirada dhagxaanta ay tahay tii ugu badneyd ee qof laga soo saaro oo ay indhaha ka qaado intii ay dhaqtaradda ahayd,waxaana ay intaa ku dartay in inta ugu badan ee ay arki jirtay ay ku qiyaaseyso 150 ilaa 200 oo dhagax.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayey sheegtay in maaddada kiimikaad ee ay ka sameysan yihiin dhagxaantan ay baarayaan sidoo kalena ay aaminsan yihiin in waxani aysan ahayn wax ku beermay C/raxmaan ee ay yihiin dhaxaltooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here