Wiil Soomaaliyeed oo la sheegay inuu ka dambeeyay haweeneey lagu dilay magaalada London

0
154

London-(RKGS)-Boliiska magaalada London ayaa gacanta ku dhigay Zakariye Bulxan oo ka soo jeeda Soomaaliya,haystana dhalashada dalka Norwey,kaasoo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka haweeney dalxiise ahayd oo u dhalatay Maraykanka.

Wiilkan oo 19 Sana jir ah ayaa la sheegay inuu qabo xanuunnada dhimirka,waxaana dadka uu dhaawacyada u geystay ay u kala dhasheen wadamada Ingiriiska, Maraykanka, Israel iyo Australia.

Darlene Horton, oo 64 jir ahayd,una dhalatay dalka maraykanka, ayaa dalxiis u joogtay dalka Ingiriiska,waxaanay xilliga la weerarayay ku sugnayd beer lagu nasto oo ku dhow faraagaha Russell Square ee magaalada London

Darlene Horton,

Zakarie, ayaa sanaddii 2002-dii yimid dalka Ingiriiska,mana jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in falkaasi uu ku lug leeyahay hawlo argagixiso sida ay sheegen boliiska dalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here