Xaaska Madaxweyne Mugabe oo tacaddiyo loo heysto

0
83

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa baahisay in dacwad lagu soo oogay Marwada koobaad ee Madaxweynaha dalka Zimbabwe Grace Mugabe.

Gabadh 20 jir ah oo reer Koonfur Afrika ah ayaa Grace ku eedeysay in ay madaxa wax kaga dhufatay ka dib markii ay ku murmeen huteel habeenkii Axadda.

Grace ilaa iyo hadda kama aysan hadlin eedeynta loo soo jeediyay.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Koonfur Afrika waxa ay sheegeen in Marwadda Madaxweyne Mugabe ay si deg deg ah dalkaasi kaga baxday Ka dib markii ay u yeereen ciidamada Booliska si waxa looga weydiiyo dhibaatada ay geystay.

Ma cadda sababta aysan Grace ugu tagin booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here