Xanuunno ka dillaacay Dalka Yemen.

0
110

Wasaaradda Caafimaadka Dalka Yemen ayaa sheegtay in ugu yaraan 132 Qof ay la liitaan Qandhada Cudurka Dengue ee ay dhaliso Kaneecada, kaasoo ka dillaacay qaybo ka mid ah Bariga Dalka Yemen Todobaadyadii la soo dhaafay.

War-saxaafadeed uu soo saaray Khamiistii Shalay Xafiiska wasaaradda Caafimaadka ay ku leedahay Magaalada  Ma’rib ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda iyo ururrada caalamiga ah inay si deg-deg ah wax uga qabtaan kuna  Gacan siiyaan  maamulka degaanka inay la tacaalaan Cudurka.

Marka laga reebo xummadda Cudurka Dengue, waxay sidoo kale Wasaaraddu ka digtay faafitaanka Cudurrada kale, sida jadeecada, daacuunka iyo gawracatada.

Cudurkan oo ah mid ay keento Kaneecada ayaa Sanaddii 2016-ka waxa uu Dalka Yemen ku dilay 42 Qof, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), waxaana haatan laga digayaa inuu mar kale faraha ka baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here