Daawo Sawiro:- Xaruntii Ay Ku Howl-gali Lahayd Maxkamadda Dowladda KGS Oo Maanta Xarigga Looga Jaray.

0
102

Baydhabo (RKGS) Madaxweyna Dowlada KGS Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ay wehlinayaa wasiiro iyo xildhibaano  ayaa maanta xariga kajarey xaruunta maxakamada Maxakamada sare ee dowlada KGS taasi oo muydooyinkii udambeyey dhismo ay kusocotey waxaana furintaanka xaruunta maxakmada goobjoog ahaa xildhibaano iyo wasiiro  katirsan KGS Duqa magaalada baidoa md shariif hasan iyo gudoomiyaha maxakamada sare ee KG .

Ugu horeytii Gugoomiyaha degmada baidoa Abdulahi Ali watiin oo kahadley furitaanka maxakamada ayaa sheegey inay maanta farxad ay utahay dhamaan shacabka KGS islamarkaasina ay kufaraxsan yihiin Furitaanka maxakadam sare waxaa uuna sheegey shacabka usheegey in maanta laga bilaabo shacabka KGS ay leeyihiin Meel ay udacwoodaan oo ay gar iyo gar daraba ay kukala bixi karaan isla markaassina ay soo idlaatey xiligii Kooxda Al-shabaab IWM ay daka u kala garqaadi  jireen Sidoo kalena maxakadma kudardarmey in shacabku ay ucadaalad fasho.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee DKGS Abdulahi fanah oo kahadley furitaanka maxakamda Sare KGS ayaa Shacabka uhambalyey kana hadley arimaha iyo kiisaska ugu badan ee maxakamda horyaala.

Wasiirka cadaalada Dowlada KGS Oo isna maanta kaqeybgaley furitanka maxakamada ayaa kahadley muhiimada u hogaansamida cadaalda shacabkana laga rabo inay uhogaansamaan.

Ugu dambeeynta Mudane shariif hasan sheekh aden Oo xariga kajarey maxakadma SARE EE Maamulka KGS ayaa sheegey inay maanta laga bilaabo ay tahay xiligii shacabka KGS ay kanasab lahaayen dhibaatooyinka qaar ee dalka uuu soo marey islamarkaasina ay dareemaaan muhiimada cadlada

Mudane shriif hasan ayaa markii uu xariga kajarey baaq udirey hawlwadeenada maxakada iyo ciidanka lagu wareejin doono amnigeeda.

Dhismaha maxakamada sare ee DKGS oo aad uqurxoon ayaa xariga kajaristeeda waxay kusoo aadeysaa xili dalka uu soo marey dhibaatooyin badan oo laxiriira dhinaca cadaalad darada ayadoona waqti aad uyer ay kasoo wareegatey tan iyo markii lamagacaabey xubnaha adeega garsoorka.

f3628ae3-7032-4f2b-848d-9a640d04bc86 (1) f586c080-ebf3-4b20-89c8-8252c9ba1d86 5159e8e8-0d6e-43ca-a3af-bdd139fb5a07 c069774b-7392-419a-9c5f-c25f34a3a30b

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here