Xasan Sheekh “ Waan maray hab raaca diiwaan gelinta Musharaxiinta ka qeyb galaya tartanka doorashada Madaxweynaha.”

0
140

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Guddiga doorashada uu u sheegay in uu ku qanci doono natiijada ka soo baxda doorashada madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu u hogaansami doono nidaamka doorashada isla markaana uu raaci doono amarada ay siiyaan Guddiga qaabilsan doorashada Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta kale dhamaantood loogu baahan yahay in ay u hogaansamaan shuruucda iyo hab raaca doorashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu maray hab raaca diiwaan gelinta Musharaxiinta ka qeyb galaya tartanka doorashada Madaxweynaha.

Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii Qamiista aheyd bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan tartanka loogu jiro ciddii qaban laheyd madaxtinimada Soomaaliya.

26-29,  oo maanta ku ek ayaa lagu wadaa in ay socoto diiwaangelnta,halka 31-ka  Murashaxiinta ay galayaan Dood Wadaag.

2-5 2017: waxaa  musharixiinta ay gudaagalayaan ama ay jeedin doonaan Khudbado,halka February 8, 2017,ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here