Xildhibaan Cismaan Boqore oo loo doortay guddoomiyaha KMG ah ee barlamaanka cusub

0
115

Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay dhaarta xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka cusub, waxaana goor dhaw xildhibaannada ay iska dhax doorteen guddoon ku-meel-gaar ah.

Gollaha shacabka ayaa gudoomiye  ku –meel-gaar ah waxaa loo doortay Cismaan Cilmi Boqoro oo ka mid ahaa xildhibaannadii gobollada W/qooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn xildhbaannada aqalka hoose, halka guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah xubnaha aqalka sare loo doortay Max’ed Xusseen Raage oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay maamulka Hirshabeelle.

Prof Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka aya halkaa kaga dhawaaqay in wixii xiligan ka danbeeyay labada guddoomiye ku-meel-gaar ee la doortay shir guddoomin doonaan baarlamaanka labada aqal inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here