Xiliga doorashada Dalka dhacayso oo lagu dhawaaqay

0
102

Muqdisho(SONNA)-Gudoomiyaha gudiga hirgelinta doorashada dadban ee dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho,ayaa sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.

Cumar Maxamed Cabdulle dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25 September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September ilaa 10 October ee Sanadkan.

Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25 October, waxuuna guduumiyu sidoo kale cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October ee Sandkaan.

Ugu danbeyntii  waxuu Guddiga Doorashada Dadban ka codsanayaa dhamaan Hay-adaha Dowladda ,Maamul gobaladyada ,Ururada Bulshada ,Beesha Caalamka in ay gacan ka geestaan Fududeenta howlaha doorasha loona diyaar gareeya ,agabka iyo Amniga doorashada 2016 ay u baahantahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here