Xishood la’aanta Cali fool ku dhiigle iyo banneysiga Dilka muslimiinta Soomaaliyeed ee Al-shabaab

0
113

Xishood la’aanta Cali fool ku dhiigle iyo banneysiga Dilka muslimiinta Soomaaliyeed ee Al-shabaab

Xasuuqa ku dhowaad 100 qof iyo dhaawac in ka badan 150 muwaadiniin Soomaaliyeed ayeey dhiggooda aroor hore u daadiyeen si xaq iyo diin toonna aanan aheyn malleeshiyada arxanka darran ee Al-shabaab.

Waxa ay foolka ku dhaqdaan dhiigga Muslimiin maati ah oo u kala soo hayaamay goobahooda waxbarasho ama shaqooyin, waxa ay aheyd meel ku dhow boosteejo laga raaco baabuurta waa agga Ex-control Afgooye.

Dhiigga la qubay ee masaakiinta buugaagtii jaamacadda ee uu muuqooda qariyey xinjiraha dhiigga Muslimka iyo hilbaha carruur saqiiriin ah oo jira bilo yar, hooyooyin dhabarka ugu xammaalayey ubadkooda, aabayaal dhididkooda u shaqeynayey qoysaskooda nugul iyo ardaydii noqon lahayd mustaqbalkii dalkaan ayaan ku weynay dilka dulmiga xambaarsanaa ee argagixisada Al-shabaab.

Caado iyo ku dhaqan ayeey u tahay ALLE ka been abuuristiisa, qalloocinta Quraanka kariimka EEBBE iyo ku digashada Axaadiista Nabigeenna Muxamed CSW, waxaa intaas dheer qiraalka cad ee uu ummaddaan carreysan la soo hor istaagay fool ku dhiigle Cali Dheere.

Cali Dheere waxa uu yiri “Qadar Illaahey ayeey ku dhacday in gaadiidka dadkaas Muslimiinta ay saarnaayeen uu ku xayirmo goobta ayna ku dhintaan kulligood”

Ciil ma noqon kartaa waan ka xumahay boqollaal dhiig Muslimiin ah ayaan daadiyey si xaq darro ah?

Diinta ALLE waxaa diin naxariis waxa ayna u taagan tahay badbaadinta nafta muslimiinta.

Hadallada Cali Dheere waxaa ka muuqata aqoon darri diimeed, xishood la’aan, ALLE ka fogaansho dheer iyo banneysiga dhiigga maatida muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri fool ku dhiigle Cali Dheere “waa ay bannaan tahay in gaallada lagula diriro haddii ay ku dhex jiraan Muslimiin xitaa haddii ay ka tiro badan yihiin oo la og yahay in ay ku dhimanayaan kulligood waa la halaagayaa, waa taa tusaalaha Al-shabaab.

Waa taa daliisha cad ee banneysiga fool ku dhiigle Cali Dheere uu ku cadeeyey in Al-shabaab aysan aqoonsaneyn Diinta ALLE kana been sheegayaan.

ALLE ayaa Quraankiisa ku sheegay in qof muslim ah dhiggiisa la daadiyo in ay uga fududdahay dunidaan weyn oo la rogo, laakiin Cali fool ku dhiigle waxa uu banneystay in si macno la’aan ah loo qubo dhiigga muslimka ah ee uu ALLE uu xaaraamtinimeeyey.

Dowladda iyo shacabka Muslimka ah ee Turkiga oo horumarka u ifay dalkaan baal dahabi ah ku leh ayeey ka dhigeen duul shisheeye oo ku soo duulay dalkaan, laakiin waxa ay la micno ka tahay in Al-shabaab ay berri ka yihiin taako walba oo Soomaaliya ku horumeyso.

Hey’adda Qaranka u qaabilsan mukhaabaraadka ama wardoonka ee NISA ayaa horey u sheegtay in falkii wuxuushnimada ahaa ee Ex-control ka dhacay ay ku lug leeyihiin gacmo shisheeye, welina ay wadaan baaritaanno dheeri ah, laakiin waxaa muuqata xasillnooda la’aanta iyo madax iska waalka Al-shabaab ay ku sheegtaan tallaabo walba oo ficilkeedu fool xun yahay, sida dhacdadii Ex-control Afgooye.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku taliyey in la iska dhiciyo oo iyaguna la dilo malleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) agaasimaha waaxda Diinta ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Sheekh Cabdullaahi Axmed Gurruun ayaa fasiraad sax ah ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Horjooge Cali Dheere.

Sheekh Cabdiqani Qorane Maxamed oo ka hadlayey weerarkii bahalnimada ah ee lagu laayey dadka caamada ah ayaa yiri “ Al-shabaab haddii aadan diinta inkirsaneyn in dhiigga dadka Muslimka ah la banneysto in ay tahay dambi la galo midka ugu weyn marka laga tago gaalnimo, iska daaya oo ummaddaan ka hor wareega”.

Sidoo kale waxa uu yiri Sheekh Cabdiqani Qorane Ganacsatada Soomaaliyeed iska diida oo joojiya dhaqaalaha aad siineysaan Al-shabaab si ay ugu xasuuqaan bulshada Soomaaliyeed iyo maalkiinaba.

Dilka aan kala go’a lahayn ee caamada iyo Culimada ay kula kucaan koox yar oo Diinlaaweyaasha ah waxa ay tusaale cad u tahay in aysan jirin sabab looga aamuso oo indhaha looga qabsado, sida ay ku taliyeen culimada waa weyn ee dalka, waxaa waajib ah in shacabka ay u midoobaan la dagaallan malleeshiyada arxanka daran ee Al-shabaab.

Feysal Muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here