Xubno ka socda Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay madaxda Jaamacadda Afrika…

0
90

khartuum (RKGS) Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maalmahanba booqasho ku joogay dalka Suudaan,ayaa kulan yeeshay maamulka iyo ardayda Jaamacadda Africa ee ku taal magaalada Khartoum ee caasimadda Dalka Suudaan.

Madaxa wafdiga C/qaadir Cosoble ayaa u sheegay maamulka inay jiraan, kumanaan arday ah oo ka qalin jebiyay Jaamacadda Afrika oo xilligan ah kuwa ugu tayada wanaagsan Soomaaliya, iyadoo intaa sii dheertahay inay qalinjabiyaashii Jaamacadda Afrika ay noqdeen badankood madaxda dalka .

Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd, oo ka sheekeynayay safar uu Muqdisho ku yimid,ayaa sheegay in Soomaaliya uu kusoo arkay horumar wayn oo aysan ahayn Soomaaliya sida warbaahinta wax ugu soo gudbiso.

Kamaal Cubayd, ayaa ugu dambeyntii sheegay in Jaamacadda Afrika asalkeeda loo sameeyay in Ardayda Muslimiinta ah lagu waxbaro si ay wadamadooda u anfacaan Soomaalidana si gaar ah uga faa’idaysteen fursadaas.

Wafdigan oo ay xubno ka yihiin guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Soomaaliya Profossor; Maxamed Cumar Dalxa iyo guddoomiyaha guddi hoosaadka xariirka Yurub u qaabilsan guddiga arrimaha dibedda Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Cabdiraxman Aadan Ibbi, ayaa lagu wadaa inay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan.

Yuusuf Kahmiir ;Khartuum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here