Xukuumada oo dhalinyarada ugu baaqday in ay nabadda ka shaqeeyaan

0
104

Muqdisho (RKGS) Wasiirka wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabada dalka.

Waxa uu sheegay in dhalinyarada ay yihiin tiirka dal waliba dhisa islamarkaana looga baahan yahay in ay ka qaataan doorkooda ku aadan nabadeynta Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gar gaaraan oo ay is caawiyaan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa inta badan marka ay waxbarashadooda heerka Jaamacadeed dhameystaan dowladda Soomaaliya aysan ka helin shaqo abuur, iyagoona Tahriib ku gala dalalka Yurub si ay uraadsadaan nolosha ay hada ku nool yihiin mid ka duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here