Xukuumada oo ka warbixisay Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0
110

Muqdisho-(RKGS)- Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan u marayo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha dhaqanka ay isla afgarteen in dib loo bilaabo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku xaliyaan Caqabadaha hortaagan dhismaha Maamulka.

Wasiir Ceymooy ayaa sidoo kale ka warbixiyay Kulamo uu la qaatay Odayaasha dhaqanka ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la dadajinayo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka hor inta aysan dalka ka dhicin Doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here