Xuska Maalinta Cunada Aduunka oo Muqdisho iyo Gobalada Dalka lagu qabanayo

0
126

Xuska maalinta caalamiga ah ee cunada aduunka ayaa maanta dunida laga xusayaa, waxaana maanta Muqdisho iyo meelo ka mid ah dalka ka dhacaya munaasabado arrintaasi ku aadan.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa qabanqaabisay kulan wayn oo looga hadlayo kobcinta wax soo saarka beeraha, kaas oo madaxda wasaaradda iyo dadka ka shaqeeya hawlaha beeraha la xiriira ay ka qaybgalaayaan.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in wax soo saarka beeraha Xilli roobaadkii ugu dambeeyey ee guga uu sare u kacay, lana soo saaray  180-kun oo tan, balse wali aysan fari ka qodnayn in laga jawaabo cuna yarida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here